Baro 3-da fitamiin ee kaa caawin kara inaan DA’DA lagaa dareemin

0

(Hadalsame) 24 Juun 2022 – Fitamiinnada ayaa mararka qaar la iska indhatiraa, laakiin waxay kaalin ka qaataan la dagaallanka gabowga marka loo eego noocyada kala duwan ee kareemada ee la marsado ee ka hortaga da’da. Hase yeeshee, cilmi-baaristan ayaa waxay muujinaysaa in fitamiinnada ay qayb muhiim ah ka yihiin hoos u dhigista geeddi-socodka gabowga.

Iyadoo kareemada laga yaabo inay hoos u dhigaan muuqaalka gabowga ee meelaha la mariyo, haddana si caadi ah ulama dagaallami karaan gabowga ku dhacaya gudaha jirkaaga. Fiitamiinnadu, waxay ka shaqeeyaan gudaha jirka, taasoo keenta in caafimaadka gudahana uu wanaagsanaado.

Si kastaba ha ahaatee, dhammaan fiitamiinnada ma wada simana marka ay timaado ka hortagga da’da. Fiitamiinnada qaar ayaa aad ugu awood badan la-dagaallanka saamaynta da’da marka loo eego kuwa kale.

Haddaba fitamiinnadan waxay kaa caawin karaan la-dagaalanka gabowga ama muuqashada da’da.

Fitamiin A

Fitamiin A

Xigashada Sawirka, Getty Images, Fitamiin A

Fitamiin A waa waa mid aad u wanaagsan, wuxuuna awood u leeyahay ka hortagga gabowga ee gudaha iyo bannaanka jirka.

Fitamiin A waxaa sidoo kale loo yaqaannaa retinol, kaas oo ka sameysma maaddooyinka muhiimka ah ee kaalinta ka qaata gabowga.

Jirkeenna si dabiici ah uma soo saaro Fitamiin A, taas oo macnaheedu uu yahay in loo baahan yahay in la isticmaalo iyada oo la cunayo cuntooyinka hodanka ku ah ama iyada oo loo qaadanayo kaniin ahaan. Marka laga hadlaayo ka hortagga gabowga fitamiin A kaalin muhiim ah ayuu ka qaataa.

Maaddada Tretinoin, oo laga helo fitamiin A, ayaa la xaqiijiyay inay kor u qaaddo wax soo saarka collagen-ka iyo yaraynta laalaabyada jirka.

Fitamiin D

Fitamiin D

Xigashada Sawirka, Getty Images, Fitamiin D

FItamiin D waxaa loo yaqaannaa fiitamiinka qorraxda, Laakiin fitamiin D sidoo kale waa fitamiin awood leh inuu ka hortago gabowga, sidoo kale wuxuu hoos u dhigaa cudurrada la xiriira gabowga.

Cilmi-baarista ayaa sidoo kale muujisay in fitamiin D-gu uu waxtar u leeyahay ka hortagga gabowga degdegga ah isagoo maqaarka ka ilaalinaya iftiinka ultraviolet, oo ah mid ka mid ah sababaha ugu badan ee laalaabyada jirka keena.

Fitamiin E

Fitamiin E

Xigashada Sawirka, Getty Images, Fitamiin E

Jirkeennu wuxuu u baahan yahay fitamiin E badan si uu u noqdo mid caafimaad qaba maaddaama fitamiin E uu door muhiim ah ka cayaaro nidaaminta habka difaaca jirka.

Si dabiici ah ayuu jirkeenna u soo saara Fitamiin E, laakiin si dhaqso ah ayaa waxaa uu baabi’iyaa fallaaraha qorraxda.

Fitamiin E kaliya ma aha inuu maqaarka ka ilaaliyo laalaabyada iyo xariijimaha, laakiin sidoo kale wuxuu kor u qaadi karaa wax-soo-saarka collagen-ka, wuxuu dedejiyaa dib u soo kabashada unugyada iyo abuurista korriin cusub oo dhanka maqaarka ah.

Fitamiin E wuxuu u fiican yahay jirkaaga iyo sidoo kale maqaarkaaga. Waxa uu kaalin ka qaataa yareynta khatarta cudurrada wadnaha ku dhaca.

Collagen

Waxaa loo marinaya Collagen

Xigashada Sawirka, Getty Images

Collagen waa boqorka ka-hortagga gabowga, waa borotiin bini’aadanka ka caawiya ilaalinta maqaarka, marka da’da laga hadlayana gacan weyn ayuu ka geystaa.

Daraasad 12-toddobaad la sameynayay oo ay ka qeyb qaateen 72 haween ah ayaa muujisay in haddii si joogto ah loo isticmaalo collagen ama cabitaan uu qiyaastii ku jiro 2.5 garaam oo collagen ah ay wax badan ka qabanayso gabowga jirka, waxayna daraasaddu muujisay in maqaarka uu jilcayo.

Fitamiinada kale iyo macdanta gabowga caawiya waxaa ka mid ah: Macdanta Selenium, Curcumin, Resveratrol iyo zinc.

BBC

Hadalsame Media