Al Shabaab oo arrin yaab leh sameeyey markii ay jidka ku qabsadeen bas ka yimid Mandheera

0

(Nairobi) 24 Juun 2022 – Kooxda Al-Shabaab ayaa istaajisey bas iyo taksi, waxaana ay u khudbeeyeen rakaabkii saarnaa gaariga baska ah xilli ay baadi goobayeen dad aan u dhalan Degmada Mandheera.

Dhacdadan ayaa ka dhacday aagga degaanka Dabacity, Kutulo dhanka Buurta Dimu, oo ku dhow xuduud-beenaadka Kenya iyo Soomaaliya, maalintii Khamiistii shalay.

Alshabaab ayaa baskan oo u kala socdey  Nairobi iyo Mandheera ka raadinayey dad Muslim ahayn, kuwaasoo ay ka waayeen waloow ay baarayeen 2 saacadood.

Waxay kaloo istaajiyeen taksi ka yimid Kotulo una socdey Ceel Waaq iyo mooto ka timid Borehole 11 una socdey Dimu village, iyadoo kuwii wax baarayey mooyee ay kuwa kale difaac ka galeen hareeraha jidka B9.

Al Shabaab ayaa markii ay muddo dheer baaris wadeen, balse ay ku fashilmeen inay helaan dadkii ay doonayeen wacdi af Soomaali ah u bilaabay dadkii, sida ay rakaabkii u sheegeen booliiska.

Al Shabaab ayaa aaggaasi 8 qofood ku diley Diseembar 2019, halka ay 2014 bas afduubteen iyagoo laayey 28 qof oo aan Muslim ahayn.

Hadalsame Media