XOG: Wacaal dheeraad ah oo kasoo baxaya in MW Somalia uu Israel la kulmay & sida loola dhaqmay markii xubnaha qaar Covid laga helay

0

(Hadalsame) 23 Juun 2022 – MW DF Somali ayaa 19-kii bishan Juun u baqoolay dalka Imaaraadka Carabta oo uu ku tegey safar rasmi ah oo 2 maalmood ah.

Warar maalmahan soo baxayey ayaa sheegayey inuu shir doceed aan rasmi ahayni uu dhexmaray MW Xasan iyo saraakiil Israeli ah, halka wararka qaar ay sheegeen in Xasan Sheekh uu safar qarsoodi ah ku tegey Tel Aviv oo ah caasimadda Israel.

Haddaba, xogo kale oo haatan soo baxaya ayaa wararkaa beeninaya, MW Xasan Sheekh ayaa la xaqiijiyey in aanu la kulmin wax saraakiil ah oo Israeli ah islamarkaana aanu booqan ISRAEL sida ay sheegayeen qaar ka mid ah ilo u badnaa kuwa dacaayadeed.

Waxaa la sheegay in taa bidaalkeeda in qaar badan oo ka tirsan wefdigii la socdey XSM laga helay caabuq-sidaha COVID19, taasoo keentay in dhamaantood la karaantiilo.

Waxaa xitaa karaantiilka lagu daray MW Somalia oo aan isaga cudurka laga helin sida xogta dambe sheegayso, balse isaga markii dambe tijaabadii laga qaaday inay noqotay mid diidooley ah oo taban, sida ay xogtu sheegayso.

Hadalsame Media