Ruushka oo sameeyey hannaan lacagaha la iskugu xawilo oo aysan Galbeedku xukumin (Magacyada dalal uu u furay)

0

(Hadalsame) 23 Juun 2022 – Madaxwaynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa sheegay in bangiyada ka socda waddamada BRICS ay si xor ah u adeegsan karaan Nidaamka Xawilaadda Farriimaha Maaliyadda (SPFS), oo ah beddelka Ruushka ee SWIFT oo dalkaasi laga saaray.

Isagoo ka hadlayey Madasha Ganacsiga ee BRICS, Putin wuxuu sheegay in isaga iyo dalalka jaalkiisa ee BRICS – Brazil, India, Shiinaha iyo Koonfur Afrika – ay wada horumarinayaan biddaal lagu kalsoonaan karo oo loogu talagalay hannaanka lacag-bixinta caalamiga ah.

“Nidaamka Ruushka ee gudbinta fariimaha maaliyadeed wuxuu u furan yahay isku xirka bangiyada shantan waddan,” ayuu yiri, isagoo raaciyay: “Juqraafiga isticmaalka nidaamka lacag-bixinta ee Ruushka ee Mir ayaa isna sii kordhaya.”

Madaxwaynaha Ruushka ayaa sidoo kale xusay inay socdaan dadaallo lagu abuurayo lacag kayd ah oo caalami ah oo ku salaysan nidaam lacageed oo ay leeyihiin dalalka BRICS.

Warkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay dalalka BRICS maanta shir ku yeelanayaan magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, si looga hadlo xaaladihii ugu dambeeyey ee dunida.

Hadalsame Media