Maamulka Jubaland oo ku fashilmay tillaabo uu u qaaday inuu isku xayaysiiyo + Sababta & Sawirro

0

(Hadalsame) 23 Juun 2022 – Madaxwayne Xigeennada Maamulka Jubaland iyo Golaha Wasiirrada maamulkaasi ayaa goor dhowayd ka degey magaalada Dhoobley ee u dhow xad-beenaadka Kenya.

Madaxdan ka socota Maamulka Jubaland ayaa halkaa ku qaban doona shirka Golaha Wasiirrada Jubbaland oo markii ugu horraysay lagu qabtay meel ka baxsan Kismaayo.

Wefdigan oo magaalada dayuurad ku tegey ayaa isla maanta la filayaa in dib uga soo laabtaan magaalada Kismaayo.

Maamulka Jubaland oo ka mid ah Maamullada madax ka noolka ah ee Somalia ka jira iyagoo qaatay magac federaal ayaa doonayey inay arrintan isku xayaysiiyaan, balse waxaa ka muuqata iin aysan ka fikirin.

Waayo? Magaalada Dhoobley waa Degmo ka mid ah kuwa deriska la ah Kismaayo, tan kale waa Jamaame, mid maba la tegi karo halka middan oo uu maamulku joogo aysan amdaxdu tegi karin haddii aysan raacin dayuurad, tiiyoo ay jirto in Axmed Madoobe uu Kismaayo fadhiyo 11 sanadood oo xiriir ah.

Hadalsame Media