“Waxaan dallacnay gantaalaha difaaca cirka” – Taiwan oo sheegtay inay 29 dayuuradood mar qura hawadooda soo galeen + Sawirro

0

(Beijing) 22 Juun 2022 – Wadar guud oo ah 29-diyaaradaha dagaalka ah oo Shiinuhu leeyihiin ayaa lagu soo warramayaa inay maanta soo galeen aagga aqoonsiga difaaca hawada (ADIZ) ee Taiwan, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca ee jasiiraddaasi Taiwan.

Wasaaradda Difaaca ayaa sheegtay in diyaaradaha Ciidanka Cirka ee PLA ay isugu jireen diyaarado dagaal, kuwa digniinta hore bixiya, diyaaradaha dagaalka elegtarooniga ah, diyaaradaha gujisyada ugaarsada, diyaaradaha sirdoonka elegtarooniga ah, iyo kuwa hawada ku bixiya shidaalka.

Waxa ay ahayd tiradii saddexaad ee ugu badnayd ee maalin kaliya diyaarado Shiinuhu leeyahay ay ku galaan hawada Taiwan ee ADIZ tan iyo bilowgii sanadkan, waxayna ku soo beegantay wax ka yar hal bil kaddib markii Shiinuhu ay soo direen 30 diyaaradood oo dagaal qorshe kan oo kale ahaa.

In response, the Taiwanese military scrambled combat aircraft to warn the Chinese jets away, issued radio warnings and deployed air defense missile systems to monitor the activities, the Defense Ministry added.

Iyaga oo ka jawaabaya, millateriga Taiwan waxa ay kiciyeen diyaarado dagaal si ay ugu digaan diyaaradaha Shiinaha, waxa ayna soo saareen digniino raadiyow iyagoo diyaariyey nidaamka gantaalaha difaaca hawada si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqyada diyaaradahan, ayay ku dartay Wasaaradda Difaaca Taiwan.

Hadalsame Media