Villa Somalia oo xog muhim ah qarinaysa & waxa aan ka ogaaney dhanka Imaaraadka

0

(Abuu Dabeey) 22 Juun 2022 – Waxaa uu waqti dheeri ihi ku darsamay booqashadii 2da maalmood qaadan lahayd ee uu MW Somalia ku joogey Imaaraadka.

Qaar ka mid ah wefdiga Madaxwayne Xasan Sheekh oo ku sugan dalka Imaaraadka ayaa la sheegayaa in laga helay caabuq-sidaha Coronavirus.

Arrintaas ayaana lagu sheegayaa sababta maalmo dheeraad ah loogu daray safarka oo qorshihiisa hore uu ahaa laba maalmood, sidii horay loo sheegay.

Madaxtooyada Villa Somalia ayaa qarisay inay sheegto sababta waqtiga dheeriga ah loogu kordhiyey safarka Madaxwaynaha.

Wararka ayaase isku khilaafsan in Madaxwayne Xasan Sheekh uu ku dhacay Coronavirus iyo in kale.

Waayo waloow ay dadka qaar beeninayaan misna dad isku dayey inay booqdaan halka uu joogo MW Xasan ayaa Hadalsame Media u sheegay in loo sheegay in Madaxwaynuhu uu ku jiro dadka uu cudurkani haleelay.

Waxaa intaa dheer, in sheekada Covid-19 ay tahay mid sheekada lagu qurxinayee aysan meesha ka marnayn inay arrimo kale jiraan.

Caadiyan madaxda Addduunku ma qariyaan marka uu asiibo cudurkani, waana wax caadi ka ah Adduunka oo aanay ceeb ahayn inuu qofka ku dhaco Corona.

Hadalsame Media

Facebook Comments