RW magacaaban oo gurigiisa ku booqday MW hore Max’ed Farmaajo + Sawirro

0

(Muqdisho) 22 Juun 2022 – RW Xamsa Barre Cabdi oo magacaaban balse aan weli Baarlamanka la horgaynin ayaa Muqdisho kulan kula qaatay MW hore ee Max’ed Cabdullaahi Farmaajo.

”Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo caawa i soo booqday waxaan ugu hambalyeeyey xilka loo magacaabay, aniga oo Alle uga rajeeynaya in uu u fududeeyo gudashada waajibaadka horyaalla,” ayuu yiri MW hore.

”Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay si dhow ula shaqeeyaan dowladdooda, si loo sii amba-qaado dowlad-dhiska iyo horumarka dalkeenna.” ayuu daba dhigay.

Madaxweynaha 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo oo hooygiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyey xilka loo magacaabay, isaga oo Alle uga rajeeyey in uu u fududeeyo gudashada waajibaadka horyaalla.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey Ra’iisul Wasaaraha magacaaban booqashada iyo salaanta uu ugu yimid, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay si dhow ula shaqeeyaan Xukuumaddiisa, si loo sii amba qaado dowlad-dhiska iyo horumarka dalka.

“Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo soo dhaweynta diirran iyo kulankan is-xogwareysiga ah.” Ayaa lasii raaciyey.

DHAMMAAD

Waa kulankii ugu horreeyey ee uu kasoo muuqdo MW hore tan iyo markii uu xilka ka degey.

Hadalsame Media