Ruushka oo Safaaradda Maraykanka ee Moscow ku khasbay inay maalin kasta qoraan magaca ”dal” aysan aqoonsanayn

0

(Moscow) 22 Juun 2022 – Ciwaanka Safaaradda Maraykanka ee Moscow ayaa la bedeley, iyadoo fagaaraha ka baxsan goobtan diblomaasiyadeed uu hadda huwan yahay magaca “Fagaaraha Jamhuuriyadda Dadka ee Donetsk,” sida ay ku dhawaaqeen mas’uuliyiinta Moscow.

DPR waxaa si rasmi ah inuu dal madax-bannaan yahay u u aqoonsan Ruushka, laakiin weli waxaa loo arkaa inay tahay qayb fallago ah oo Ukraine ka tirsan, sida ay u arkaan Maraykanka iyo inta badan quruumaha kale ee caalamka.

Bayaan dadka Muscovite-ka ah lagu ogeysiinayo isbeddelkan ayaa lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Duqa Magaalada Sergey Sobyanin ee Mos.ru maanta. Mas’uuliyiinta Moscow waxay sidoo kale caddeeyeen in cinwaankii hore ee Safaaradda Maraykanka la “tiray gebi ahaanba.”

Sida ku cad dukumeentiga, magaca cusub ee fagaarahan oo ay la socdeen doorashooyinka magacyo kale ayaa la geliyey codbixin loo marayo madasha online-ka ah, ee Active Citizen.

278,684 oo deggan Moscow ayaa ka qayb qaatay, ayaa lagu yiri bayaanka. Doorashada fagaaraha Jamhuuriyadda Dadka ee Donetsk ayaa waxa ay kasbatay boqolleey dhan 45% taasoo ay uga sara martay magacyadii kale ee la tartamayey.

Hindisaha ku baaqaya in fagaaraha magaca laga beddelo ayaa waxaa markii hore soo gudbiyey xubno ka tirsan Baarlamaanka Moscow, wax yar uun kaddib markii uu Ruushku bilaabay duullaanka ka dhanka ah Ukraine, sida uu maamulka magaaladu shaaca ka qaaday.

Arrintan ayaa keenaysa in Safaaradda Maraykanku ay hadda kaddib warqadeheeda ku qorto cinwaan sita magaca ”dal” aysan aqoonsanayn.

Hadalsame Media