Maxaa ka jira in MW Xasan Sheekh uu si qarsoodi ah ula kulmayo saraakiil Israeli ah?!!

0

(Hadalsame) 22 Juun 2022 – MW DF Somali ayaa 19-kii bishan Juun u baqoolay dalka Imaaraadka Carabta oo uu ku tegey safar rasmi ah oo 2 maalmood ah.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu shir doceed aan rasmi ahayni uu dhexmaray MW Xasan iyo saraakiil Israeli ah. Qaar kale ayaaba intaa dhaafinaya oo xusaya in Xasan Sheekh uu safar qarsoodi ah ku tegey Tel Aviv oo ah caasimadda Israel.

Horayna warqaadka dhexda u janjeera ee Times of Israel ayaa markii dib loo doortay Xasan Sheekh qoraal uu ka sameeyey ku saadiyey inuu dhici karo xiriir dhexmara Somalia iyo Israel.

“Baarlamaanka Soomaaliya ayaa doortay Madaxwayne cusub todobaadkii hore, taasoo dib usoo celisey hoggaamiye si qarsoodi ah hadda kahor ula kulmay Ra’iisal Wasaarihii xilligaas ee Benjamin Netanyahu sanadkii 2016-kii.” Ayaa dhammaadkii bishii Maajo ee hore lagu qoray Times Of Israel.

Wargayska ayaa xitaa qoray in diblomaasi ku dhow Xasan Sheekh Maxamuud uu u sheegay in maadaama uu mar kale soo noqday uu “caadiyaynn karo xiriirka Somalia iyo Israel” oo aan abidkood yagleelin wax xiriir diblomaasiyadeed ah oo rasmi ah, tiiyoo ay jirto in Israel ay ka mid ahayd nidaamyadii ugu horreeyey ee Somalia aqoonsaday kaddib xornimo-beenaadkii.

Marka intaa laga yimaado xogtaa kooban ee uu xarriiqay wargayskan oo isna ku dhisan xuuraansi aan moowduuci ahayn oo tixraacaya safar kale oo aan isna rasmi ahayn, ma jiro weli wac wacaal ah oo ku saabsan in Xasan Sh uu Israel tegey, uu saraakiishooda la kulmayo amaba uu xiriir la wado gebi ahaanba.

Hadalsame Media