”Haddii la leeyahay dadka yaan loo adeegin halla caddeeyo” – CCW oo ka jawaabey su’aalo badan oo loo qabo ( Daawo)

0

(Hadalsame) 22 Juun 2022 – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo uu MW Xasan Sheekh u magacaabay Ergayga Abaaraha Somalia ugu qaybsan DF Somalia, ayaa markii ugu horreeysey ka jawaabey doodo & su’aalo badan oo xilkiisa dul hoganaya.

”Anigu adeeg bulsho ayaan ka shaqeeyaa, shaqada aan qabanayo waaba middii laga doonayey xildhibaannada,” ayuu yiri CCW oo ka jawaabayey su’aal khuseeysa Qodobka 59-aad oo dhigaya in aan Xildhibaan qaban karin xil aan mid Wasiir ahayn.

Warsame ayaa dood ka keenay in aanay Dastuurka ku qornayn ”Xildhibaan ma adeegi karo”, isaguna uu yahay nin mutadawac ah oo aan haynin xil toos ah oo leh miisaaniyad xafiisyo iyo nidaam rasmi ah.

Wuxuu intaa raaciyey inuusan haynin xil iyo shaqo u gaar ehe uu bulshada u shaqeeyo, xildhibaankuna uu xaq u leeyahay in la siiyo miisaaniyad toos ah oo uu la tago degaan doorashadiisa waxna ugu qabto.

Hadalsame Media