“Ma jiro dal u babac dhigi kara dunida oo dhan!” – Ruushka oo “diyaarsaday” gantaal nooc cusub ah + Jaantus

0

(Hadalsame) 21 Juun 2022 – Milleteriga Ruushka ayaa ku guda jira diyaarinta gantaalka S-500 oo ah habka ugu casrisan ee difaaca hawada ee dalkaasi, sida uu goor dhowayd ku faanay Madaxwayne Vladimir Putin.

Hoggaamiyaha Ruushka ayaa warkan ku dhawaaqay mar uu khudbad u jeedinayey arday ka qalin jabisey kulliyadaha ciidamada ee Moscow, isagoo ku tilmaamay qorshayaasha Ruushka ee soo saarista hababka hubka horumarsan, kaas oo uu yiri “waxay go’aamin doontaa awoodda dagaalka ee ciidamada lugta iyo ciidamada badda sanadaha iyo tobanaanka sano ee soo socda”.

Putin waxa uu tibaaxay in habka gantaalaha riddada dheer ee S-500, oo loogu talagalay in lagu qabto diyaaradaha iyo gantaalaha, lagana yaabo in uu leeyahay xoogaa awood ah oo liddi ku ah dayax-gacmeedka, in aanu jirin mid la siman ama u dhigma adduunka oo idil, sida uu qabo Putin.

S-500 Prometey waxaa naqshadaysay shirkadda hubka samaysa ee Almaz-Antey si ay u sii ambaqaaddo qoyskeeda gantaalaha riddada dheer ee cir-ka-cir sida S-400 iyo S-300.

Waxaa la rumaysan yahay in S-500 uu gaari karto masaafo dhan 600km, waxaana uu awood u leedahay inuu ka hortagto bartilmaameedyada ku socda xawaaraha sare sida kuwa guuxooda ka dheereeya, oo ay ku jiraan madaxyada gantaalaha balaastigga ee qaaradaha isaga gudba.

Hadalsame Media