Israel, Ciidanka Cirka, Dhulka, Sirdoonka Millateriga & xitaa Mossad oo ka war helay APP sahlan oo lagu basaasayo

0

(Hadalsame) 21 Juun 2022 – App-ka ruclaha ee Strava ayaa loo isticmaalay in lagu basaaso xubnaha millatariga Israa’iil iyadoo lagala soconayo dhaq-dhaqaaqooda saldhigyo ciidan oo weliba qarsoodi ah oo ku yaalla meelo kala duwan.

Sida laga soo xigtey warqaadka Haaretz, tafaasiisha ku dhowaad ​​ilaa 100 sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Israa’iil iyo xitaa saraakiisha difaaca, oo ay ku jiraan magacyada, sawirrada iyo dhaqdhaqaaqooda, ayaa waxaa gacanta ku dhigay dhinacyo 3-aad.

App-ka ayaa sidoo kale daaha ka qaaday meelaha ay ku yaallaan goobaha nugul ee Israel, kuwaas oo ay ku jiraan saldhigyada ciidamada lugta iyo ciidamada cirka, xarunta Mossad iyo saldhigyada sirdoonka millateriga oo caadiyan la qariyo (classified).

Aaladaha raadinta app-ka ayaa dadkan u sahashey inay xogahan ogaadaan, gaar ahaan marka app-ka la saaro orodka ruclaha ah amaba qaybta baaskiilka.

The loophole that was discovered by the Israeli open-source group FakeReporter found that a user took advantage of the glitch and created a small database of military bases.

Daldaloolkan ayay markii dambe ka war heleen kooxda isha furan ee Israa’iil ee FakeReporter waxaana ay ku wargeliyeen Ciidamada millateriga Israel, sida uu Maareyohooda Achiya Shatz, uu u sheegay The Guardian.

“Waxaan la xiriirney ciidamada ammaanka Israel isla markii aan ogaaney xadgudubkan amniga. Kaddib markii ay oggolaansho ka heleen ciidamada ammaanka si ay u sii wadaan howsha, FakeReporter waxay la xiriirtey Strava oo app-ka iska leh, waxayna sameeyeen koox wax ka qabata arrintan.”

Hadalsame Media