Dal NATO ka tirsan oo kala hadlay kaddib markii uu hanjabaad kulul kala kulmay Ruushka (Gobol Jarmanka laga xoogey oo…)

0

(Vilnius) 21 Juun 2022Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Lithuania ayaa maanta Sii hayaha Safaaradda Ruushka ee dalkaasi u dhiibtay warqad qoraal ah oo sharraxaysa codsi cunaqabatayn oo ka yimid Midowga Yurub kaasoo ku qotoma in la xannibo badeecooyinka u kala socda dhul waynaha Ruushka iyo gobolka Kaliningrad, oo ah u dhexeeya Poland iyo Lithuania.

Maamulka Vilnius ayaa waxa uu ku adkaysanayaa in aanay si toos ah iyagu u mamnuucin isu-socodka saanadda gobolkan iyo Ruushka intiisa kale oo aanay soo saarin wax xannibaado dheeraad ah.

Lithuania waxay ku adkaysanaysaa in gaadiidka rakaabka qaada iyo alaabada aan lagu soo rogin cunaqabataynta Midowga Yurub oo ay sii dhex mari doonto dalkeeda sidii caadiga ahayd.

“Lithuania iyadu kuma soo rogin tillaabo hal dhinac ah, u gaar ah, ama xayiraad dheeraad ah isu gudubkii. Lithuania waxay si joogto ah u fulisaa cunaqabataynta EU-da, kuwaas oo leh xilliyo kala-guur ah oo kala duwan iyo waqtiyada kama dambayn ah dhanka dhaqan-gelitaanka marka la eego.” ayuu u dhignaa qoraalka Lithuhuania.

Yeelkeede, warkan ayaa khilaafsan hadal uu horay u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Lithuania, Gabrielius Landsbergis, kaasoo sheegay in go’aanka xayiraadaha lagu soo rogey uu sameeyay Maamulka Vilnius kaddib markii uu la tashaday Guddiga Yurub, laguna fuliyay hagitaanka Lithuania.

Adeegga tareenada ee Dowladda Lithuania, LTG Cargo, oo maamusha jidka kaliya ee tareennada ee isku xira Kaliningrad iyo dhul waynaha Ruushka, ayaa Sabtidii ku dhawaaqday in aanay mar dambe ogolaan doonin in badeecadaha EU-du cunaqabataynta saartay ay soo maraan dhulkooda.

Gobolkan oo asal ahaan la oran jirey Königsberg ayaa qayb ka ah dhulka Jarmanka waxaana 1945-kii ka qabsaday Ciidamada Cas ee Midowgii Soofiyeeti, iyadoo magacii laga bedeley oo lagu maamuusay Mikhail Kalinin dadkii Jarmanka ahaana laga barakiciyey oo lagu bedeley dad Ruush ah.

Hadalsame Media

Facebook Comments