Amiirad ka tirsan Boqortooyada UK oo xaalad kacsan gashay kaddib markii ay biqleeyeen fardihii gelbinayey + Sawirro

0

(London) 21 Juun 2022 – Amiiradda ka yar Amiir Andrew oo ay ka wada mid yihiin Boqortooyada Britain, ayay fardihii sidey mar qura biqleeyeen kaddib markii ay cabsi dareemeen.

Faras-yaqaankii la socdey ayaa la arkayey iyagaa oo fardaha xakamaynaya iyagoo ku guulaystey inay dejiyaan fardaha oo aan la sheegin sababta ay mar qura u dideen.

Amiiradda Beatrice, 33-jir, oo ah qofka 5-aad ee leh Dhaxalka Boqortooyada Ingiriiska, ayaa waxaa la socdey ninkeeda Edoardo Mapelli Mozzi iyadoo sida dhaqanku yahay ay lammaanuhu ku yimaadeen gaari farasyo badan oo gelbinayey.

Amiiradda ayaa markii dambe la arkayey iyadoo dhoolla caddaynaysa oo kasoo degeysa karreetada gaari faraska kaddib markii xaalka caadi lagu soo celiyey.

Labada ay ka yar tahay ee Prince Andrew ayaa kala ah Duke of York, iyo Princess Sarah, oo ah Duchess of York.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media