Maanta DF Somalia waxaa u Madaxwayne ah Xil. Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar

0

(Muqdisho) 19 Juun 2022 – Xildhibaanadda Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo ah Guddoomiye Xigeenka Aqalka Hoose ee Baarlamanka 11-aad ayaa maanta noqotay Ku-simaha Madaxwaynaha dalka.

Arrintan ayaa ku imanaysa hannaanka silsiladda kala sarraynta dalka, kaddib markii uu maanta safar dibedda ugu ambabaxay Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo u baqoolay dhanka Imaaraadka.

Waxaa sidoo kale shalaytoole isna dibedda aadey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe, taasoo ka dhigan in Sacdiyo ay noqonayso qofka xiga ee dalka xukumaya.

Hadalsame Media