DAAWO: MW Maraykanka ee Joe Biden oo baaskiil ka dhacay xilli uu is lahaa… (Arrin ay doodi ka dhalatay)

0

(Rehoboth) 19 Juun 2022 – Madaxwaynaha Maraykanka ee Joe Biden ayaa kasoo dhacay baaskiilkiisa xilli uu u istaagayey inuu taageerayaasha ku salaamo magaalada Rehoboth, Delaware Sabtidii. Madaxwaynahan oo 79-jir ah ayaanse u baahan wax daryeel caafimaad ah, sida uu yiri Aqalka Cad.

Muuqal laga soo qabtay dhacdadan ayaa muujinaya Biden oo xawaare hoose ku socda oo waddo ka gudbaya, kahor inta uusan hal cag ah saarin laamiga si aad mooddo inuu ka soo degayo baaskiilkiisa. Balse Madaxwaynuhu dhulka ayuu ku dhacay, isagoo dhinac dhinac ah.

Biden, oo xirnaa koofiyadda dhowraarinta, ayaa waxaa caawiyey kaaliyeyaashiisa. Waa uuna kaxaystay isla baaskiilkii markii uu si kooban ula hadlay taageerayaashii tirada yaraa ee ku soo xoomay jidka uu baaskiilka ku marayey.

Si kastaba ha ahaatee, dhacdooyin badan oo yimid tan iyo doorashadiisii 2020-kii ayaa shaki galiyey caafimaadka Biden. Marka laga reebo khaladaadkiisa dhanka hadalka ah iyo jahawareer ka muuqda inta lagu jiro khudbadaha iyo munaasabadaha, misna Biden wuxuu ka jabay cagta bishii Nofeembar 2020-kii, isagoo la ciyaaraya eeygiisa rabaayada ah, waxaa kale oo la arkayey isagoo saddex jeer ku dhacaya jaranjarada isagoo raacayey dayuuradda Air Force One bishii Diseembar ee la soo dhaafay..

Sida laga soo xigtey ra’yi ururin ay samaysay Harvard dhowaan, 53% dadka Maraykanku waxay “shaki ka qabaan [fayaqabka dhimirka Biden] iyago inuu ka bixi karo howsha xafiiska,” halka 62% ay aaminsan yihiin inuu “muujinayo inuu aad uga da’ wayn yahay inuu noqdo madaxweyne.”

Hadalsame Media