C/hi Kullane oo ka hadlay ilaalada lagala noqday & xog kasoo korortay rag lagu qabtay Garoonka

0

(Muqdisho) 19 Juun 2022 – Sida aan horay usii sheegnay Taliyaha NISA, Mahad Salaad, ayaa amar ku bixiyey tillaabo ku socotey Xil. C/laahi Kullane Jiis, kaasoo ahaa in laga soo celiyo ilaalo NISA ka mid ah oo weli la joogta.

Kullane Jiis oo soo hadlay ayaa yiri: “in lala noqdo ilaaladeenna gaarka ah, nagama hor istaagayso inaan shaqadeenna gudanno, namana cabsi gelinayso.”

Ilaalada ka tirsan Nabad Sugida NISA, gaar ahaan Ciidanka loo yaqaano Duufaan oo la shaqaynayey Xildhibaan C/llaahi Kulane oo horay uga mid ahaa Saraakiisha NISA ee maanta lagu xiray Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, ayay tafaasiili kasoo baxday.

Xogta ayaa sheegaysa in raggani ay u socdeen gobol iyagoo aan cidna wargelin, islamarkaana ku baxayey qaab ciidan Boolis, gaar ahaan qaybta Daraawiishta oo aysan ka tirsanayn. Waxay sidoo kale siteen qoryo fudud.

Ragga Garoonka lagu qabtay ayaa ka tirsan 5 askari oo ku xisaaban Nabad Sugida qaybta Gobolka Banaadir.

Xildhibaannada ayaa caadiyan waxaa loogu tala galay inay amnigooda sugaan Ciidan Booliis ah oo ay xaq dastuuri ah u leeyihiin, oo loo ansixiyey xilligii Baarlamaankii 9-aad ee DF Somalia.

Hadalsame Media