Agaasinka NISA oo soo saaray amar ka ”dhan ah” Kullane Jiis & arrin dhacday

0

(Muqdisho) 19 Juun 2022 – Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo kala duwan oo ku dhow Madaxwaynaha DF Somalia Xasan Sheekh Maxamuud & Taliyaha NISA Mahad Salaad ayaa amar ku bixiyey tillaabo ku socota Kullane Jiis oo hadda Xildhibaan ah.

Amar ay bixiyeen kahor intii aysan ka duulin Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, una socdaalin Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inuu dhigayo in ilaalada NISA laga soo wareejiyo Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Kullane, oo horay usoo noqday Madaxa Shaqaalaha ee Hay’adda NISA.

War kale ayaa sheegaya in labo kamid ah ilaalada Xildhibaan Kullane lagu qabtay laguna xirey maanta Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, iyagoo fasax ugu baxayey qoysaskooda oo deggan meel ka baxsan Caasimada Somalia ee Muqdisho.

Saraakiisha NISA ayaa sheegay in ay haystaan amarka Agaasinka haya’ddu bixiyey kahor intii uusan raacin Madaxwaynaha, kaas oo faraya in dhammaan ilaalada laga qaado Kullane.

Hadalsame Media