“Waxay i barbar dhigeen raamoolaha Liverpool!” – Cafu oo laacibiinta Brazil uga digey ka ciyaarista EPL

0

(Hadalsame) 18 Juun 2022 – Dadabkii midig ee daafaca Brazil iyo AC Milan iyo Roma ee Marcos Cafu ayaa saluugey mustaqbalka guuleed ee laacibiinta Brazil ee ka ciyaarta Horyaalka EPL.

“Waxaan ka baqayaa, mar kasta oo ay jiraan Brazilian u wareegaya Premier League, inay yaraadaan fursadaha Brazil ay ku qaadi karto Koobka Adduunka,” ayuu ku bilaabay.

“Bal qiyaas in Gary Neville iyo saaxiibadiis ay maskaxda kaa dhaqayaan toddobaad kasta iyagoo kuu sheegaya inaad tahay kan ugu fiican adduunka, adna xitaa uma dhowid kan ugu fiican,” ayuu raaciyey.

“Waxaan doorbidayaa La liga, sababtoo ah kooxahaasi waxay leeyihiin macnawiyad sare si ay u gaaraan Final oo ay ku guulaystaan. La Liga ma laha afaf ka sheekeeya kamaradaha TV-ga hortooda iyagoo ka been sheegaya ciyaartoyda Isbaanishka ama u buunbuuninaya adduunka. Waxay kaga hadlaan kubbadda cagta halkaas, mana galaan khuraafaad,” ayuu yiri.

“Waxaan maqlay iyaga oo leh raamoolaha Liverpool (Alexander-Arnold) inuu joogo heerkayga dhanka dadabka midig. Ma aanan rabin inaan ka doodo, sababtoo ah waxaan ogaa in Vinicius uu runta tusi doono adduunka wuxuuna sidaa ka sameeyay Paris.” Ayuu ku kaftamay.

Hadalsame Media

Facebook Comments