RASMI: Dal Yurub ah oo ay dadkiisu ID Card ku geli karaan dalka Turkiga & Sababta

0

(Ankara) 18 Juun 2022 – Dowladda Turkiga ayaa si kumeel gaar ah ugu ogolaatay muwaadiniinta Norway in ay kusoo galaan Turkiga iyaga oo wata Warqada Aqoonsiga (ID) ee waddankooda oo qura, sida ay shaacisay Wasaarada Arrimaha Dibedda ee Turkiga.

Go’aankan waxaa loo qaatay “si loogu suurtageliyo muwaadiniinta Norway inay booqdaan Turkiga inta lagu jiro xilliga dalxiiska ee 2022,” sida uu bayaan ku sheegay Afhayeenka Wasaaradda, Tanju Bilgiç.

Agaasinkan ayaa la sameeyey “kaddib codsi ka yimid Waaxda Dalxiiska Turkiga” sababtoo ah “Muwaadiniinta Norway ma awoodaan inay cusboonaysiiyaan baasaboorkooda, taasoo ay ugu wacan tahay xasaradda caalamiga ah ee socota ee ku dhacday chip-ka xogta sida ee la geliyo baasaboorrada oo yaraaday” ayaa lagu yiri bayaanka.

Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay inaan wax “heshiis ah oo rasmi ah laga gelin” markii ay Wasiir Dibadeedka Norway ee Anniken Huitfeldt ay Turkey booqatay todobaadkan.

Arrintan ayaa waxaa ka faa’iidaysan kara Soonaalida haysata dhalashada Norwegian-ka oo ID Card muddo kooban ku booqan kara Turkiga.

Hadalsame Media