“Haddii aad rabtaan in Ruushku naga adkaado caadi noogu sheega!” – Ukraine oo furka ku xoortay reer Galbeedka

0

(Kyiv) 18 Juun 2022 – Ukraine ayaa muddaba reer Galbeedka ka codsanaysey in la siiyo hub casri ah, tayo iyo tiirana leh.

Ukraine ay sii wadda inay reer Galbeedka ku riixdo inay ballaariyaan dardargelinta gaarsiinta hub wanaagsan si ay isaga difaacdo duullaanka Ruushka.

Ukraine ayaa hadda aad u caraysan iyadoo dareensan in la gacan bidxaynayo xilli ay sheegayso in Galbeedku aysan xitaa doonayn inay dagaalka ku guulaystaan.l

“If you think we should lose, just tell us directly: ‘We want you to lose.’ Then we will understand why you give us weapons at this level,” Mikhail Podoliak, an adviser to President Volodymyr Zelensky, told the New York Times on Monday.

“Haddii aad u malaynaysaan inaan guuldarraysanaynno, kaliya noo sheega oo nagu iraahda:

“Waxaan rabnaa inaad guuldarraysataan.’ Markaa waxaan fahmi doonnaa sababta aad hubka noocan hoose ah noo siinaysaan.” Ayuu yiri Mikhail Podoliak, oo ah La-taliyaha Madaxwaynaha Ukraine ee Volodymyr Zelensky, oo la hadlayey New York Times.

Warkan ayaa imanaya xilli uu Aqalka Cad diyaariyey in qorshe 4 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ee MQ-1C Gray Eagle ay ugu diri lahayd Kiev la hakiyo sabab la xiriirta cabsi laga qabo in tignoolajiyadaasi ay ku dhacdo gacanta Ruushka, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters Jimcihii, iyadoo soo xiganaysa dad arrintan la socda.

Hadalsame Media