”Waxba ku cadaadin mayno balse…” – Maraykanka oo si cad u muujiyey inuu jeclaan lahaa in la joojiyo dagaalka Ukraine

0

(Hadalsame) 17 Juun 2022 – Xilli ay saraakiisha sarsare ee Aqalka Cadi ay ku doodayaan in colaadda Ukraine ay tahay in loo helo xal diblomaasiyadeed, ayay warbaahinta ku dhow dhow Sirdoonka Maraykanku ay Khamiistii sheegtay walaaca sii kordhaya oo ku saabsan mowqifka adag ee Kiev istaagtey, iyadoo ay sii xumaaneyso xaaladda goobta dagaalka oo aan u ekayn mid ay abid guul ka keenayso.

Tusaale ahaan, Wasiirka Difaaca ee Ukraine ayaa wacad ku maray in uu dalkiisu dagaallami doono ilaa inta laga gaarayo guul buuxda oo ay Ukraine hesho.

Maraykanku wuxuu sii wadi doonaa inuu caawiyo Ukraine “inta ugu badan ee suurtogalka ah,” ayuu si quusi ka muuqato u yiri La-taliyaha Amniga Qaranka Jake Sullivan, Khamiistii, “marka hore goobta dagaalka, kaddibna, ugu dambayntii miiska wada xaajoodka. Waxaan u malaynaynaa in arrintani ay tahay in lagu dhameeyo dhanka diblomaasiyadda.”

Sullivan ayaa waxa uu ka hadlayey Xarunta Amniga Cusub ee Ameerikada Cusub (CNAS), oo ah koox ololaysa oo uu fadhigeedu yahay Washington, DC kuna dhow xisbiga Dimuqraadiga.

“Ma doonayno inaan ku cadaadinno inay sameeyaan tanaasulaad dhuleed. Waxaan u malaynaynaa in taasi ay runtii khalad tahay.” ayuu u sheegay CNAS oo ay maalgeliyaan dhinacyo ay ka mid yihiin Northrop Grumman iyo Raytheon oo hubka ka xoolaystay.

Reer Galbeedka ayaa si isa soo taraysa ugu muuqda kuwo qadyaan ka taagan dagaalka Ukraine oo marka laga soo tago inay kharash badan ku bixiyaan misna cunaqabataynta ay Ruushka saareen dhankooda ka dareemaya, taasoo ay dheer tahay Dowladda Ukraine oo u muuqata mid aan la iman karin qaab lagu xalliyo ismariwaaga.

Hadalsame Media