”Marna ogolaan mayno duni uu Maraykanku kaligii baarqab ka yahay!” – Ruushka oo ku

0

(Hadalsame) 17 Juun 2022 – Maraykanka ayaa qaadaya tillaabooyin cadaawadeed oo ka dhan ah Ruushka kuwaas oo ka xun xitaa kuwii xilligii Dagaalkii Qaboobaa, sida uu qabo Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov.

Si kastaba ha ahaatee, Washington ayaa lafteedu tillaabadan isku dhaawacaysa geeddi-socodkan waayo waa inay ugu dambayntii aqoonsato danaha sharciga ah ee Moscow, ayuu yiri, mar uu wareysi siinayey warbaahinta Ruushka, Khamiistii.

“Weli xitaa uma dhowin soo afjaridda xiisadda,” ayuu Peskov u sheegay Wakaaladda Wararka ee RIA Novosti, isaga oo sharraxaya khasaaraha dhaqaale ee ka dhashay iska horimaadyada Galbeedka iyo Ruushka. “Waxaan annagu hadda ku jirnaa xaalad xasilloon iyadoo ay ugu wacan tahay tillaabooyinka dhaqaale ee ay qaaday dowladdu.” ayuu yiri.

Peskov ayaa aaminsan in cadaadiska hadda taagan ee ka dhanka ah Ruushku uu yahay mid aan abid horay loo arag. Ma jiro wax noocaas ah oo lagu sameeyey dal kale “xitaa intii lagu guda jirey dagaalkii qaboobaa” ayuu yiri. Maraykanka iyo xulafadiisu waxay doonayaan inay Ruushka “ku ceejiyaan” xayiraadahooda, ayuu raaciyay.

Cunaqabataynta ka dhanka ah Ruushka ayaa “sida iska cad inoo abuuraysa dhibaatooyin, laakiin mustaqbalka fog waxay sidoo kale dhibaato u keeni doontaa si annaga nala mid ah quruumaha soo rogey cunaqabatayntaas,” ayuu saadaaliyey.

“Yurub waxay cunaqabataynta dareemeen in ka badan Maraykanka ilaa hadda, laakiin culayska dhaqaale iyo in laga caraysiiyo Ruushka way wada qaadi doonaan dhammaantood.” ayuu yiri Peskov.

“Marna ma aqbali doonno, mana aqbali karno inuu Ruushku dal kale la hayste u noqdo (vassal state). Waxaa nalaku qaaday tillaabooyin cadaawadeed, waana ka hortegi doonnaa.” ayuu ku gooddiyey Peskov oo xusay inay si gaar ah arrintan ugala hadlayaan Maraykanka oo uu sheegay inay u wajahayaan si ka culus sidii hore, maadaama uu doonayo “duni uu kaligii baarqab ka yahay.”

Hadalsame Media