Maraykanka oo Turkiga uga dhaartay meel uu kala xaalayey & laba khalad oo Turkiga laga galay

0

(Hadalsame) 16 Juun 2022Turkiga ayaa loo ogolaan doonin in uu dib ugu laabto barnaamijka samaynta diyaaradaha dagaalka casriga ah ee F-35 ee raadaarka ka dhuunta, sida uu xaqiijiyey Gudoomiyaha Gudiga Adeegga Ciidamada ee Aqalka Wakiillada MarAykanka, Adam Smith.

“Turkigu kuma soo laabanayo barnaamijka F-35,” Smith, ayaa ugu sheegay saxafiyiinta munaasabad ay soo qaban qaabiyeen Kooxda Qorayaasha Arrimaha Difaaca isagoo raaciyey.

“Ma ahan in lagu ciqaabayo Turkiga iibsashada nidaamyada hubka ee Ruushka. Waxay ku salaysan tahay in aan nidaamka S-400 aanu la shaqayn karin dayuuradaha F-35 waayo waxaa sidaa Ruushka ugu gacan geli karta xogo muhim ah.”

Turkiga ayaa markii hore ku jirey barnaamijka dayuuradaha dagaalka ee F-35 ee jiilka shanaad ee caalamiga ah ee uu Maraykanku hogaamiyo oo ay ku maalgaliyeen $1.4 bilyan oo Doollar (TL 24.2 bilyan), laakiin waxaa meesha ka saartay Washington 2019-kii kaddib markii ay iibsadeen nidaamka difaaca gantaalaha S-400 ee Ruushka.

Ankara waxa ay dalbatay in ka badan 100 diyaaradood oo F-35 ah, oo ay samaysay shirkadda Maraykanka ee Lockheed Martin, halka warshadeheeda difaacu ay caan ku ahaayeen horumarinta iyo samaynta qaybo ka mid ah diyaaraddan.

Washington ayaa ku doodaysa in nidaamka gantaalaha hawada ee S-400 ee uu Turkigu helay uu Ruushku u isticmaali karo in uu si qarsoodi ah u helo tafaasiisha qarsoon ee diyaaradaha F-35 iyo in aanay isla jaanqaadi karin nidaamyada NATO.

Turkiga, oo iibsadey nidaamka gantaalahan kaddib markii uu sidoo kale heli waayey gantaalaha Patriots ee Maraykanka oo ay sidoo kale u diideen, ayaa waxay ku adkaysanayaan in gantaalaha S-400 aan lagu dhex dari doonin nidaamyada NATO sidaa darteed aanay khatar ku noqon doonin isbahaysiga.

Ankara ayaa sidoo kale kaddib tegistii Trump woxoogaa carrab laalaadis ah ka heshay nidaamka MW Joe Biden.

Hadalsame Media