“Waxay ahayd arrin yaxyax leh!” – Kenya oo qoraal rasmi ah kasoo saartay arrintii ay ka carootey Safaaradda Somalia

0

(Nairobi) 15 Juun 2022 – Wasaarad Dibadeedka Kenya ayaa raalligelin rasmi ah ka bixisay wax ay ku sheegtay “yaxyax diblomaasi ah” oo ay gaysatey.

Bayaanka oo lagu hagaajiyey Safaaradda DF Somalia, ayaa lagu xusay inay Kenya ka xun tahay wax ay ku tibxeen “bandhig aan habboonayn” oo ah in calanka Somaliland uu kasoo muuqday munaasabadda sanadlaha ah ee lagu casuumo diblomaasiyiinta shisheeye ee Nairobi fadhiya.

“Wasaaraddu waxay Safaaradda u xaqiijinaysaa inay Kenya aqoonsan tahay midnimada iyo qiyamka DF Somalia.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Danjiraha Somalia u fadhiya Kenya Md Tarsan ayaa ka baxay shirka kaddib markii uu arkay in sidoo kale la casuumey Somaliland.

Kenya ayaa sanadihii dambe waxay Somalia kula dhaqmaysaa siyaasad uu jahawareer ka muuqdo, iyadoo aan xitaa waxba u haynin Somaliland oo aysan marna aqoonsan, balse marka ay doonayso inay soo jeediso dareenka DF sidii jeedalkii u adeegsata.

Hadalsame Media