MW Putin oo la sheegay inay ilaaladiisu boorso ku qaadaan saxaradiisa marka uu booqanayo dal kale & Sababta + Muuqaal

0

(Hadalsame) 15 Juun 2022 – Sida ay wararku sheegayaan wakiillo ka socda Hay’adda Sirdoonna Federaalka Ruushka (FPS) ayaa mar kasta oo uu safarro ku jiro waxa ay jeebka ku sitaan iyo kaadida Madaxwayne Vladimir Putin.

Waxaa ayna wakiillada hay’addu kusoo ururiyaan boorsooyin gaar ah oo uu leeyahay Madaxweynaha Ruushku, si baa la yiri loo ilaaliyo siraha caafimaad ee MW Putin.

Warbixintan oo ay dusisey majalad ka soo baxda dalka Faransiiska ayaa lagu sheegay in dhaqankan uu soo socday tan iyo markii uu Putin booqday Faransiiska sanadkii 2017-kii, islamarkaana uu magaalada Versailles kula kulmay Madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

 

Dhacdadan yaabka leh ayaa mar sii horreeysey iyadoo muuqaal waxaa la sheegay inuu internet-ka ku faafiyey wariye BBC ka tirsan iyadoo la arkayey laba ilaalo ah oo qolka ka soo baxayey oo uu midkood sitey shandad gaar ah, waxaana daba socdey Madaxwaynaha Ruushka oo ay weheliyaan laba kale oo ilaalo ah.

FPS ayaa ku qaybsan waxyaabo ay ka mid yihiin ilaalinta siraha gaarka ah ee Madaxwaynaha iyadoo ay jiraan hadallo xamxam ah oo ku saabsan inuu qabo jirrooyin halis ah, sida kansarka.

Hadalsame Media