”Midowga Yurub wuxuu noqday gobolkii 51-aad ee Maraykanka!” – Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka EU oo furka xooray (Daawo)

0

(Hadalsame) 13 Juun 2022 – Xildhibaan Croatia u fadhiya Baarlamanka EU, Mislav Kolakusic, ayaa dhaleeceeyey siyaasadaha dibedda iyo difaaca ee Midowga Yurub, isagoo ku dooday in ururku uu noqday mid hoos yimaada Washington.

Kolakusic ayaa ah nin ku caan ah dhaleecayn qaawan oo uu u jeediyo cunaqabataynta ka dhanka ah Ruushka ee reer Galbeedka iyo xannibaadaha Covid-19.

Isagoo ka hadlayey Baarlamaanka Midowga Yurub usbuucii hore, Kolakusic wuxuu u sheegay saaxiibadiisa baarlamaanka in “siyaasadda dibadda, difaaca, iyo amniga ee EU maanta lagu tilmaami karo hal jumlad.”

“Midowga Yurub wuxuu noqday gobolka 51-aad ee federaaliga ah ee Maraykanka, laakiin xaq uma laha inuu codeeyo.” Ayuu yiri.

Siyaasadda EU ayuu sheegay inay noqotay mid u adeegta danaha Washington sida dhowrka wareeg ee cunaqabataynta ah ee Ruushka la saaray, hakinta shidaalka Ruushka iyo sare u qaadista miisaaniyadda ciidamada si loo taageero mucaaradadda Washington ee Kremlin-ka.

“Waa been aan la rumaysan karin iyo laba wajiilenimo in cunaqabataynta ka dhanka ah Ruushka iyo mamnuucida soo dejinta saliidda iyo gaasta Ruushka ay cunaqabatayn ku yihiin Ruushka. Cunaqabataynta waxaa lagu soo rogey 500 milyan oo ah muwaadiniinta Midowga Yurub ah iyo malaayiin muwaadin oo Yurub inteeda kale ah.” ayuu yiri Xildhibaankan MEP.

Hadalsame Media