Warkii ugu dambeeyey ee qaxootigii joogey UK ee loo qaadi lahaa Rwanda

0

(Hadalsame) 14 Juun 2022 – Duulimaadkii oo la qorsheeyey in lagu masaafuriyo qaxootigii ugu horreeyay ee Rwanda u duuli lahaa ayaa daqiiqaddii ugu dambaysey la kansalay kaddib markii ay soo faragalisey Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha ee Yurub (ECHR).

Dhammaan dadkii muhaajiriinta ahaa ayaa laga soo saaray diyaaradii ku sugnayd Garoonka Boscombe Down, oo u dhow Salisbury, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo dhanka Dowladda UK ah, iyadoo ay Maxmaddu arrintan ku jirtey dhowr saacadood oo xiriir ah.

Maxkamadda ECHR ayaa sidaa ku xaqiijisay in 7-dii qof ee magangelyo-doonka ahaa ee loo diri lahaa Rwanda ay hadda baaqdeen.

Hadalsame Media