Turkiga oo mar kale war kasoo saaray halka uu ka taagan yahay ku biirista NATO ee Finland & Sweden

0

(Hadalsame) 14 Juun 2022 – Ankara waxa ay weli ku adkaysanaysaa diidmadeeda ku aaddan in Sweden iyo Finland ay ku biiraan NATO, sida uu sheegay xafiiska Madaxwaynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, waana mowqifka la filayo in uu mar kale ku celiyo marka ay hoggaamiyeyaasha dalalka NATO ay dabayaaqada bishan tagaan shirka soo socda ee Madrid, Spain.

Erdogan ayaa sheegi doona in “Turkigu uusan ka tanaasuli doonin mowqifkiisa ku wajahan wadammada taageera ururrada argagixisada” inta lagu guda jiro kulanka muhiimka ah ee Juun 28-30, ayuu yiri Xafiiskiisa MW Erdogan, oo ay soo xigatey warbaahinta Turkigu.

Laba dhacdo oo dadwayne ayaa la qorsheeyey kahor kulanka Madrid. Mid ka dhacaysa Brussels maalinta Jimcaha ah iyo kulan shir-doceed ah oo ka dhinac dhici doona shirka Spain.

Labada wadan ee Woqooyiga Yurub ayaa codsaday in ay ku biiraan Gaashaanbuurta militeri ee uu hoggaamiyo Maraykanka dabayaaqadii bishii Maajo, iyaga oo tixraacaya weerarkii Ruushku uu ku qaaday Ukraine.

Markii hore, labada dalba waxay joogtanayeen maqaam dhexdhexaadnimo, xitaa intii lagu jirey Dagaalkii Qaboobaa ee uu gaarey halkii ugu sarreeysey.

Hadalsame Media