XOG: Mooshinkii 1-aad ee Baarlamanka 11-aad oo durba la qabtay & arrin aad la iskugu khilaafsan yahay

0

(Muqdisho) 13 Juun 2022 – Warar hoose oo la isku hallayn karo oo aanu ka heleyno qaacada Baarlamanka 11-aad, ayaa sheegaya in durba la qabtay mooshinkii ugu horreeyey ee Baarlamankan cusub.

Mooshinkan ayaa laga keenay dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib u Eegiska Dastuurka, iyadoo sidaa daraadeed dib loo dhigay 2 qarreen oo maanta la ansixin lahaa.

Mooshinkan oo la sheegay inuu ka yimid dhanka Xildhibaanno diiddan qareennada la ansixin lahaa ayaa doonaya in dib looga doodo loogana heshiiyo, halkii la dhisi lahaa guddi ay soo ansixisay Xukuumadda Xil-gaarsiinta 2/09/2021-kii.

Baarlamanka 11-aad oo shalay sidoo kale miisaaniyadda aqrinayey ayaa durba lagu dhaliilay caajis, waqtiga oo aan la ilaalinayn iyo mas’uuliyad darro shaqo iyadoo MW Xasan Sheekh oo xalay casho u sameeyey uu si dadban ugu sheegay inaysan arrintaasi sax ahayn, isagoo ballanqaaday inay xubnaha Xukuumadda arrintaa ku ganaaxi doonaan.

Guddoonka Baarlamanka ayaa isna sheegay inay xeer-hoosaad ka samayn doonaan arrintan.

Hadalsame Media