Ukraine oo qiratay inuu Ruushku soo kubbaareeyey & gantaal ay si gaar ah u xuseen + Sawirro

0

(Hadalsame) 13 Juun 2022 – Ruushka ayaa haatan cududdiisa ciidan oo idil iskugu geeyey bariga Ukraine si uu u wada qabsado Gobolka Donbas ee Ukraine oo uu sheegay inuu u aqoonsaday 2 jamhuuriyadood oo madax-bannaan.

Madaxda Kiev iyo taliska Ciidamada Ukraine ayaa horay si dadban u qirtay in weerarro culus oo Ruush ihi uu ku biyo keenay iyagoo meelo badan ka baxay, maxaabiisna laga qabsaday, iyadoo Ruushku dagaalka soo geliyey hub casri ah oo aan horay dagaalka ugu jirin sida taangiga Terminator, dayuuradda Su-57 iwm.

Haatan, warbixin cusub oo ay soo saareen saraakiisha Sirdoonnada Ukraine iyo kuwa reer Galbeedka ayaa daaha ka qaadaya in Ciidanka reer Ukraine ay la kulmayaan dhibaatooyin aad u wayn oo ka haysata inay ka jawaabaan duqaymaha Ruushka.

Tusaale, Ciidamka Ukraine ayaa awood u leh inuu madaafiic ku garaacaan masaafo aan ka ka fogayn 25 KM oo qura, halka cadowga (Ruushku) uu bartilmaameedyada Ukraine ku garaaci karo gantaalo culus oo uu ka mid yahay Iskander oo gaara masaafo 12 jeer ka dheer 25 KM.

Isha: Independent via Army Recognition

Hadalsame Media