XOG: Madaxii howlgallada khaarajinta ah ee Mossad oo laftiisa lagu diley gudaha dal Muslim ah

0

(Hadalsame) 12 Juun 2022 – Taliyihii Qaybta Khaarajinta Sirdoonka Mossad ee Israa’iil ayaa laga yaabaa in lagu diley weerar ay dhowaan diyaarado aan duuliye lahayn ka fuliyeen magaalada Erbil ee woqooyiga Ciraaq.

Wakaaladda Wararka ee Fars oo soo xiganaysa ilo Carbeed iyo kuwo reer Galbeed ah ayaa sheegtay in weerarkan lala beegsaday saddex baabuur oo marayey jid-waynaha magaalada Erbil, waxaanay intaas ku dartay in baabuurtaasi ay sideen “Unugga basaaska ee Israa’iil, kaas oo ahaa bartilmaameedka ugu wayn ee diyaaradda aan duuliyaha lahayn.

Sida laga soo xigtey Intel Sky, oo ku takhasustay falanqaynta khataraha caalamiga ah, dabagalka duullimaadyada caalamiga ah iyo wararka xasaradaha la xiriira, ayaa sheegtay in sarkaalka Mossad lagu diley weerarka. Waxa ay intaa ku dartay in weerarka ay fuliyeen “Diyaarado daroonno ah”.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda duqayntan oo ay sidoo kale dad rayid ah oo ku nool Erbil oo ah caasimadda ismaamulka Kurdiga Ciraaq, iyadoo saraakiisha Israa’iil aysan iyana weli ka hadlin dhacdadan.

Weerarka ayaa dhacay 8-dii bishan, balse xogta ku saabsan tafaasiishan ayaa haatan soo baxday.

Qof rayid ah oo weerarka ku dhaawacmay

Hadalsame Media