FAALLOOYINKII FAHAD: Maxay fikradda guud ee Fahad ka sheegayaan qoraalladan uu sameeyey 17 sano kahor?!!

0

(Hadalsame) 11 Juun 2022 – UJEEDDO BADAN: Allaha u naxariistee Xikmadyahankii carbeed Sh.Zaa’id Aala-Nahyaan ayaa qaabilay dhawr dagaal-ooge Soomaaliyeed, kolkaasuu ku yiri, bal warama. Waxay u kala jeediyeen hadallo uu midba midka kale ku eedaynayo inuu masuul ka yahay dhibta Soomaalida haysata, goortii ay hadalkooda bogteen ayuu Boqorkii oohin bilaabay iyadoo ay ilmadu ka qubaneyso ayuu yiri. Waxa dacwoonaya waa adinka, waxaad ka dacwooney-saanna waa isla adinka, marka anigu maxaan idiin qabtaa? Wax kasta oo ay umadi ku midoobi-lahayd waad haysataan, hadana waad kala eed sheeganeysaan.

Shirkii Jabuuti 1. waxaa ka qayb-galay 6.Jabhadood, kii 93.dii ee Adis-Ababana waxaa ka qayb-galay 12.Jabhadood. Abwaan Yam-Yam ayaa la weydiiyey sababta ay hadda u bateen Jabhadaha Soomaalida? Wuxuu yiri 12.kan waa 6.dii oo sarifantay.

Intii uu socday shirkii Eldoret ayaan galab Nairobi ku sheekeysanay Xuseen Caydiid, hadaladii uu yiri waxaa kamid ahaa. Marwalba oo Soomaalida shir loo qabto waxaa kordha tirada madaxda Soomaalida. Shirkii Qaahira intii ka soo qayb-gashay hada wey kabateen, waxaana hadda ka jooga ilaa 5.Hogaamiye oon anigu kamid ahay, intii kale wax dhintay, kuwa laga adkaaday, kuwa fashilmay bey noqdeen. Sidoo kale aniga ayaa ugu da’yaraa Hogaamiye-yaasha Soomaalida hadase waa iga yar Cumar Finish, hadaan shirkan lagu heshiininna waxaa soo bixi doona kuwa Cumar Finish ka siiyar.

Sargaal katirsan Safaaradda Masaarida ee Soomaalida aniga oo lataagan ayaa waxaa nagu soo leexday mid kamid ah kuwii loo yaqaanay Saxiixa-yaashii shirkii Eldoret. Markii uu sifiican usalaamay Sargaalkii ayuu wuxuu ku yiri. Fadlan salaan iga gaarsii Cali Cabdalla Saalix waayo saaxiib ayaan nahay. Markii uu dhaqaaqay ayuu Sargaalkii Masaarida igu yiri. Fahad wakaas mustawaha Siyaasiyiintiinna, aniga oo Masaari ah ayuu Madaxweynaha Yaman fariin salaan ah iigu farayaa. Waxaan ku iri. Midkan hadda sidaas ku leh wuxuu ka soo baxay Jaamacad wuxuuna ku hadlaa ilaa sadax luqadood oo ajnabi ah. Inta qoslay ayuu yiri. IDAA KAANA NUURUKUM HAADAA FAKAYFA DULAAMUKUM. Kiinnii aqoonta lahaa haduu kan yahay kan jaahilka ah tolow waa sidee.

Waxaa lalayaabay Soomaalidu meel walba oo ay dunida ka dagto waa goobta ugu hooseysa wadankaas, qaarkood waaba meelaha ugu nadaafadda xun, haddii la baaray sababta waxaa lagu fasiray laba qodob. Tan hore dhaqaale xumo ku khasbaya iney dagaan goobaha rakhiiska ah oo ay noloshooda hooseyso. Tan xigta waa astaanta lagu yaqaan dad kasta oo burburay oo uu jahwareer joogto ah kaga dhaco dhamaan qaybaha nolosha.

Sh. Axmed C/Samad wuxuu qabaa Baaruruga Islaamiga ah ee jilkii bilaabay ay wali nool-yihiin ay haysato dhibaato baaxad leh, taaso ah buu yiri. Caruurtii ay wadaadadaasu dhaleen waxay u bateen dadaan hanuunkii qaadan, sidoo kale aan fahmin fariimihii ay walidiintood wadeen. Sidaas awgeed wuxuu leeyahay maanta intii ay da’dooda ka yartahay 20.jir lama hubo iney sii wadi doonaan kobcinta dacwadii ay aabayaashood bilaabeen.

Waxaan lakulmay wiil dhalin-yaro ah oo aad u necab BBC-da Soomaaliga markii aan sababta weydiiyey wuxuu yiri. Bari-baan guursaday, goortii aan aqal-galay ayey niman aan saaxiibo-nahay BBC-da u direen Tahniyadii Aroos-keyga, kolkaasay soodaayey 2.Bilood kadib iyadoo aan xaaskeygii kala tagnay. Waxaa taas iiga siidaran waxay ku soo aaday anoo la joogo reerkii aan xididka ahayn oo aan aniga iyo iyagiiba wada dhagaysanay. Marka saaxiib BBC iga daa, nimankaas aad ayey ii xumeeyeen.

Isdhexgalka dumarka iyo ragga waxay keentay dhibaato baaxad leh. Nabigu C.S.W. waa ka digay. Markii goobihii waxbarashada la’isku daray wiilashii iyo gabdhihii waxay lumaysay hadafkii tacliineed ee laga lahaa. Wadamada R/Galbeedka laftooda ayaa dareemay dhibaatadii ka timid isku dhexyaacii wiilsha iyo gabdha ee goobaha waxbarashada. Madaxweyne Bush ayaa soo saaray go’aan uu ku dhiirigalinayo in dowladiisu ay taageeri doonto Iskuulkii kala sooca labada jinsi, wuxuuna sheegay in hanaanka ugu haboon ee ay caruurtu wax ku baran karaan iney sidaas tahay. Maalintii ay 11.Sep dhacaysay wuxu khudbo u akhrinayey Iskuul taageeray go’aankii uu soo saaray.

Sh.Cali Wajiiz oo kamid ah Culimada Soomaalida ayaa yiri. C/Laahi Yuusuf haddii uu diinta ilaalinayo, uuna waxba udhimayn ahludiinka waxaan leeyahay 5.Sano kuguma filnee gacanta soo taago aan 15.Sano kaaga dhignee.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir

fahadsom@hotmail.com ama

editor@somalitalk.com

SomaliTalk | Nairobi, Kenya | Jan 31, 2005

Hadalsame Media