Dayuurad dul haaddey 6 dal oo Gaashaanbuurto NATO ah iyadoo aan la arag (Nin bixiyey xog xaaladda sii murjinaysa)

0

(Hadalsame) 11 Juun 2022 – Diyaarad aan la aqoonsan oo kasoo duushay Lithuania ayaa ka gudubtey hawada dhowr xubnood oo kale oo ka tirsan NATO iyadoo aan la waxba la waydiinin kahor inta aysan ku degin dalka Bulgaria, wax lagu sheegay duullimaad sharci darro ah oo ay weli ku wareersan yihiin mas’uuliyiinta duulista ee Yurub.

In kastoo diyaarado dagaal la kiciyey si ay markii dambe u gelbiyaan diyaaraddan ”baxsadka ah”, haddana dadkii la socdey waxaa u suuragashay inaysan sheegin cidda ay yihiin.

Dayuuradda ayaa Lithuania kaddib martay dalalka Hungary, Poland, Slovakia, Serbia, iyo Romania – oo ah dalal ka wada tirsan NATO marka laga reebo Belgrade – waxay markii dambe ku degtey garoon laga guurey oo ku yaalla Bulgaria, sida ay faafisay warbaahintu.

Dayuuradda ayaa markii dambe la arkay iyadoo laga tegey oo aanay cidina la joogin, tiiyoo ay jirto in matoorkeedu uu weli diirran yahay, sida la hubiyey.

Micnuhu ma aha inaan raadaarradu dayuuraddan oo ah nooca fudud arag, balse Ciidamada Cirka ee Maraykanka, Hungary iyo Romania oo diyaarado millateri u soo diray si ay dayuuradda u gelbiyaan ayaa ka haray markii ay soo gashay hawada Bulgaria.

Dayuuradda ayaa lagu sheegay laba nooc midkood sida Beechcraft, ama Piper PA-23 Aztec, sida ay qortay saxaafadda Lithuania ee LRT.lt

Waxaa arrinta uga sii daray Bronius Zaronskis – oo la sheegay inuu sawir ay dayuuraddu leedahay uu Facebook sanadkii 2017-kii, kaasoo u sheegay LRT.lt Jimcihii shalay in aanu diyaar u ahayn inuu sheego cidda diyaaradda ka iibsatey.

“Ma ahayn Lithuanian. Ma sheegi karo dalkooda, waxay noqon karaan Ukrainian, Romanian, ama laga yaabee Bulgarian. Ma xusuusto ciddii gadatay dalkeeda, mana xiisaynayo.” ayuu yiri Zaronkskis.

Hadalsame Media