XOG: Muxuu caleemo-saarkii maanta uga maqnaaday MW Eritrea Isaias Afwerki?!!

0

(Muqdisho) 09 Juun 2022 – Waxaa muddaba loo toog hayey balse maanta ugu dambayn Muqdisho lagu qabtay munaasabad ballaaran oo lagu caleemo-saaray MW Xasan Sh oo markii 2-aad xilka ku guulaystey.

Yeelkeede, waxaan helnay xog ku saabsan madaxdii lagu casuumey munaasabaddan, gaar ahaan madaxda Gobolka Bariga Afrika iyo raggii maanta ka maqnaa inay kasoo qaybgalaan.

Xafladda waxaa sidii aanu 3 maalmood kahor sii sheegnayba yimid MW Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, RW Itoobiya, Abiy Ahmed, MW Kenya, Ahuru Kenyatta.

Waxaase la is waydiinayey waxa ku dhacay MW Eritrea ee Isaias Afwerki oo ay dadka qaar isla dhex mareen in aan laba casuumin maadaama ay aad iskugu dhowaayeen nidaamkii hore.

Yeelkeede, xogo la isku hallayn karo oo ku dhow Madaxtooyada oo uu Hadalsame haatan helayo ayaa xaqiijinaya in casuumad rasmi ah loo fidiyey, balse uu ka cudur daartay Isaias Afwerki.

Waxaa sidoo kale isna cudur daartay MW Rwanda ee Paul Kagame sida MW Uganda Yuweri Museveni oo aan isna imanin maanta.

Hadalsame Media