MW Xasan Sh oo soo bandhigay Maanifeestada uu dalka ku dhaqi doono (Aqriso)

0

(Hadalsame) 09 Juun 2022 – MW Xasan Sheekh ayaa soo gudbiyey 7 qodob oo gundhig u noqon doona siyaasadda uu dalka ku wadi doono muddo-xileedka 2-aad.

Waxaa maanifeesto ka kooban 7 qodob oo uu saaray ay kala yihiin sidatan hoos ku qodobaysan:

  1. Dhab u heshiisiin baahsan oo dhexmarta shacabka Soomaaliyeed, si loo xaliyo tabashooyinka la kala qabo.
  2. Ka miro-dhalinta wada-hadala DF iyo Somaliland, iyada oo muhiimada la siinayo in dadka reer Somaliland ay helaan xaqooda muwaadinimo.
  3. Xasilooni siyaasadeed oo lagu gaaro wada-tashi, wada-ogol iyo wada-jir ka dhaxeeya hogaanka shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dowladda federaalka ah iyo dowlad-goboleedyada iyadoo markasta la tixgalinayo dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaala ama loo sameyn doono.
  1. Taaba-galinta hanaanka federaalka si uu u nqodo mid gaara heer degmo, si dadka loogu dhaweeeyo dowladnimada.
  2. Taaba-galinta heshiiska bulsho ee ku suntan dastuurka qabyada ah, iyadoo lagu gaarayo is-qancin iyo isku tanaasul.
  3. Taaba-galinta hanaanka dimoqraadiyada ee ku saleysan xaqsiinta muwaadinka Soomaaliyeed, si uu u noqdo mid ciddii uu doono doorta, meel walbana laga dooran karo.
  4. Dhismaha garsoor hufan, madax-banaan islamarkaana haqabtiri kara baahida cadaaladeed ee shacabka Soomaaliyeed.
Hadalsame Media