MW Somalia & Kenya oo kulmay iyo qodobbo hordhac ah oo ay ku heshiiyeen (Arrin la madlay)

0

(Muqdisho) 09 Juun 2022 Madaxwaynayaasha Kenya iyo Soomaaliya ayaa yeeshay kulan rasmi kaddib Munaasabaddii caleema-saarka ee maanta ka dhacday Muqdisho.

Sida ay xogtu sheegayso, waxay labada hoggaamiye isku afgarteen in xiriirka labada dal la xoojiyo lana hagaajiyo.

Waxaa ay sudoo kale ka wada hadleen arrimaha amniga, socdaalka iyo fududaynta xuduudda si loo sahlo gargaarka bani’aadminnimada ee haataan sida deg degga ah loogu baahan yahay si loogu gurmado dadka ay saameysay abaartu.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qayb ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xil-gaarsiinta, Max’ed Xuseen iyo Agaasimayaasha Hay’addaha Socdaalka labada dal ee Somalia iyo Kenya.

Waxaa lagu ballamay in labo todobaad kaddib in la isugu yimaado kulamo horay loogu sii ambaqaadayo is-afgaradka hordhaca ee labada Madaxwayne ay gaareen.

Somalia iyo Kenya ayaa waxaa ka dhexeeyey madmadow ka dhashay muranka badda ee ay Kenya abuurtay, taasoo sidoo kale diiddey xukunkii ICJ, walow nidaamkii tegeyna uu si hujuumi ah u wajahay xaaladaha qaar.

Hadalsame Media