Muuqaal yaab leh oo laga soo duubay arrin ay sameeyeen Ciidamada Chechen-ka ah ee Ukraine ku sugan (Daawo)

0

(Hadalsame) 09 Juun 2022 – Ciidamada Ruushka ayaa dalka Ukraine weerar ku qaaday 24-kii Febraayo, kaasoo ay dalkaa kaga ekeeyeen jihooyin kala duwan, waloow ay haatan cududdooda iskugu geeyeen dhanka bari iyo koonfurta Ukraine, gaar ahaan Gobolka Donbas oo ay sheegeen inay Jamhuuriyado u aqoonsadeen.

Waxaa se haatan soo baxaysa xaalado kala duwan iyo muuqaallo muujinaya duruufaha dagaalka oo haatan 3 bilood dhaafay.

Waxaa ugu dambeeyey muuqaal laga arkayo ciidamada Ruushka, gaar ahaan kuwa Chechen-ka ah oo rasaas ku ridaya kaymaha mar ay socod ku jireen, iyadoo loo fahmey inay la kulmayeen weerarro gaadmo ah.

Lama sheegin goobta ay xilligaa marayeen.

Hadalsame Media