Madax ku dhaacantay dibedbaxyada Hargaysa oo qaar la sheegay in lagu dhuftay ”rasaas nool” & magacyadooda

0

(Hargaysa) 09 Juun 2022 – Waxaa Hargaysa maanta ka dhacay dibedbaxyo markii dambe gacan ka hadal ku dhamaaday oo ay dhigeen xisbiyada mucaaradka ee Somaliland, halkaasoo ay wax ku noqdeen dad kala duwan oo ay qaar madax ihi ku jiraan.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira xildhibaanno waloow waxa ay ku dhacay ay u badan yihiin rasaas dheemish ah oo ay ridayeen booliisku.

Guddoonka Xisbiga Waddani, Xersi Xaaji Cali Xasan ayaa aqriyey magacyada rag madax ah oo dhaawacmay, sida uu yiri waxaana ka mid ah:

Muniir Axmed Cigaal, La-taliyaha musharraxa madaxwaynaha oo uu sheegay in isaga lagu dhuftay ”xabbad nool”, Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun ayaa isna lugta ka dhaawacmay, Xildhibaanka kale ee Xuseen Aadan Cabdi, Aftax Siciid Jaambiir, Xoghaye Xigeen.

Waxaa kale oo dhaawacmay Caabbi Max’ed Cabdi, Cabdi Max’ed C/laahi, Max’ed Cali Cabdi, iyo Marwo Xaliimo Xayd, Xamse Max’uud Ismaaciil, Cabdiladiif Xuseen, Max’ed Dhamme iyo Cali Axmed oo dhaawacyo fudud qaba.

Waxaa sidoo kale dhaawacmay Xoghaye Cawil Glaydh oo isaga gacanta xabbad looga dhuftay, dadkaas ayuu sheegay inay yihiin dadka ay wacaalkooda hayaan ee ay wax gaareen, balse jiraan dad kale oo aanay war ka haynin oo dhaawacmay.

Sidoo kale wuxuu Xersi sheegay in la xirey dad fara badan oo ay xildhibaanno iyo wasiirro hore ku jiraan sida Xildhibaan Saleebaan Food oo xasaanad leh, Wasiir hore Cabdullaahi Cakuse, Xoghayaha Arrimaha Gudaha, Max’ed Faarax, Cabdiraxmaan Rooble (Cabdi Six) iyo Max’ed Cali Max’ed labadaa jir-dil baa loo gaystey, sida uu Xersi sheegay.

Yuusuf Kayse oo ka tirsan Xisbiga UCID, waa la jir-diley waana xiran yahay, balse inta badan dadka aannu soo xusnay waa Xisbiga Waddani.

Waxa ay mucaaradku iclaamiyeen mudaaharaad kale oo Sabtiga qabsoomaya, iyadoo ay Xukuumadda Somaliland sharci darro ku tilmaantay mudaaharaadkan iyo kaa Sabtigaba.

Hadalsame Media