Farqi muuqda oo u dhexeeya khudbadihii ay jeediyeen MW Kenya & RW Itoobiya

0

(Muqdisho) 09 Juun 2022 – Waxaa soconaysa khudbooyinka madaxda caalamiga ah ee badankeedu ka socota gobolka marka la eego maqaamka madaxda ay dalalku soo direen.

Waxaan yara eegaynaa farqiga u dhexeeya khudbadihii ay kala jeediyeen RW Itoobiya ee Abiy Ahmed & MW Kenya Ahuru Kenyatta.

Waxay iskaga mid ahaayeen inay wada ballanqaadeen inay xiriir wanaagsan la yeelan doonaan Maamulka cusub ee Somalia ee uu hoggaaminayo MW Xasan Sh.

Yeelkeede, waxay aad ugu kala duwanaayeen khudbadaha qaabka ay usoo diyaariyeen oo ay u jeediyeen iyo sidoo kale cayinaanta ballamada ku jirey.

RW Abiy Ahmed oo hor hadlay khudbaddiisu ma badnayn inta badanna waxaa ka buuxey kaftan, waxba gaar uma cayimin, isagoo sidoo kale waqti geliyey xoogaa Soomaali ah oo uu soo diyaarsaday. Dhankaas marka laga eego isaga ayaa dhibcaha qaatay oo wuxuu la dheelayey dareenka intii goobta fadhidey.

Dhanka Ahuru, wuxuu u muuqdey nin soo diyaarsaday khudbad rasmi ah oo toos ah, isagoo isku xirey aayaha dalkiisa Kenya iyo kan Somalia oo uu sheegay inay isu baahan yihiin ayna muhim tahay inay is kaashadaan.

Wuxuu sidoo kale sameeyey ballanqaad cayiman oo ah in ay Kenya Airways dib u bilaabayso duullimaadyadii Somalia.

Hadalsame Media