XEER RASMI AH: EU oo soo rogtey in dalalka xubnaha ka ah laga isticmaalo jaajarro isku nooc ah (Apple oo…)

0

(Strasbourg) 08 Juun 2022 – Ku dhowaad ​​toban sano kaddib markii ugu horreeysey ee fikraddan la keenay, wadamada xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa Talaadadii ku heshiiyey qoraalka sharci ku soo rogaya cabbeeye (charger) isku nooc ah in laga isticmaalo telefoonnada iyo tablets-ka lagu iibinayo agga EU.

“Sharcigan cusub waxa uu nolosha macaamiisha Yurub ka dhigi doonaa mid sahlan, wuxuuna u fiicnaan doonaa degaanka,” ayuu yiri Xildhibaanka (MEP) Baaralamanka Yurub ku metela Bulgaria ee Andrey Kovatchev, oo ka mid ah guddiga wada-xaajoodka.

“Waxaa la joogaa waqtigii la joojin lahaa xirmooyinka fiilooyinka ah ee aan dhammaanteen ku hayno khaanadaha koobadiinnadeenna oo aan badbaadino ilaa 11,000 oo tan oo koronto lunta ah sannadkii,” ayuu raaciyay isagoo tixraacaya xarkaha faraha badan ee uu qof kasta u baahan yahay, tusaale, Samsung oo qura ayaa ilaa 2 nooc u kala baxa.

Xeerkan ayaa si rasmi ah u dhaqangeli doona 2024-ka oo uu iminka sanad naga xigo, iyadoo la wada adeegsan doono jaajarka nooca USB Type-C.

Tallaabadan ayaa dhabar jab wayn ku ah shirkadda wayn ee teknoolojiyadda ee Apple, taasoo horay u diiddey inay u hoggaansanto dalab mutadawacnimo ah oo Midowga Yurub uu ku doonayo in lagu dhimo tirada cabbeeyeyaasha telefoonnada ee suuqa yaalla taasoo bilaabatay sannadkii 2009-kii.

es/fb (AFP, dpa)

Hadalsame Media