Ukraine oo dal Muslim ah ka iibisey qamadi qiime jaban (Shaki ay ka qabto kaalmo loo bandhigay)

0

(Hadalsame) 07 Juun 2022 – Ukraine ayaa ogolaatay inay dalka Turkiga ka iibiso qamadi lagu sameeyey qiimo dhimis dhan 25%, sida uu sheegay Wasiirka Beeraha iyo Kaymaha ee Turkiga, Vahit Kirişci.

Ankara waxay si dhow ula shaqaynaysey Moscow iyo Kiev si ay u gaaraan heshiis dib loogu soo celinayo shixnadaha wax soo saarka beeraha ee Ukraine ee Odessa, oo ah dekedda ugu wayn ee Badda Madow uu ku leeyahay dalka Ukraine.

Qorshahan, oo ay taageerayso Qaramada Midoobey ayaa la filayaa in la furo marin badbaado ah oo ay qaadaan maraakiibtu inta uu socdo iskahorimaadka Ruushka iyo Ukraine, si wax looga qabto dhibaatada cunno ee sii kordhaysa ee caalamka.

Wasiirka Difaaca Turkiga, Hulusi Akar, ayaa sheegay in afarta dhinac ay wadaan qorshe lagu sifaynayo miinooyinka dul sabaynaya xeebaha Odessa iyo meelaha kale ee ku teedsan xeebaha Ukraine, iyo sidii loo ilaalin lahaa marinka maraakiibta.

Ankara ayaa lagu soo waramayaa inay Kyiv u fidisay inay ka caawinayso inay miinooyinka uga nadiifiso xeebaha Odessa iyo inay gelbiyaan maraakiibta sida raashinka, halka Kiev ay welwel ka qabto in difaacyada miinada oo meesha laga saaro ay keeni karto in dekeddu ay u bandhiganto weerarrada Ruushka.

Hadalsame Media