”Taas ma ballanqaadi karno!” – Hadal kasoo baxay NATO oo Sweden & Finland kusii diri kara dalka Ruushka

0

(Brussels) 07 Juun 2022 – Xulafada NATO ee uu Maraykanku hoggaamiyo ayaan diidey inay Ruushka siiyaan wax dammaanad qaad ah oo ku saabsan in hubka nukliyeerka aan la gayn doonin dhulka labada dal ee xubnaha haatan ka doonaya Gaashaanbuurta NATO ee Finland iyo Sweden, sida uu yiri Xigeenka Xoghayaha Guud ee balooggaasi, Camille Grand.

“Waddan kastaa wuxuu xor u yahay go’aaminta goobtii nukliyeerka la geeynayo ama aan la geynaynin hubkaasi. Kama hadli karno dejinta qaar ka mid ah xannibaado mabda’i ah oo hordhac ah oo khusaynaya tillaabooyinka suurtagalka ah ee uu isbahaysigu qaadi doono,” ayuu sarkaalka NATO u sheegay warbaahinta Swiss-ka ee RTS oo wareysi la daabacayla yeelatay Talaadadii.

Waddan kasta oo xubin ka ah NATO isaga ayaa arrintan u go’aamiya si madax-bannaan. Haddana ma jirto su’aal taa ka taagan,” ayuu raaciyey.

”Laakiin uma malaynayo in xaaladda hadda jirta ay lagama maarmaan tahay in Ruushka la siiyo wax dammaanad ah oo ku saabsan qaabka ciidankeenu u fariisanayaan gobolka.” ayuu ku dooday.

Hadalsame Media