MW Xasan Sh oo lagula taliyey inuu u istaago arrin uu ka seexday MW hore

0

(Hadalsame) 07 Juun 2022 – Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxaa horyaala qodobo badan oo muhiim ah, waxaana kow ka ah sidii ciidanka laysugu dubba ridi lahaa, looguna jihayn lahaa deegaanada aanay dawladdu xilligan ka talin.

Xukuumaddii hore ee Xasan Shiikh Maxamuud guulo waawayn ayey dhinaca ballaadhinta maamulka ka gaadhay xilligii uu talada hayey, magaalooyin badana gacanta dawladda ayey ku soo celiyeen.

Waxayse magaalooyinkaasi go’doomeen xilligii xukunka madaxwaynihii hore ee Farmaajo, oo keentay in aan safar loogu bixi karin Balcad oo Muqdisho 30 km u jirta, Baladweyne iyo Baydhabana hadalkoodaba daa.

Ciidanka qalabka sida waxay u baahan yihiin in siyaasadda laga dheereeyo, loona diyaariyo ciidan Soomaaliyeed oo aan qof daacad u noqon ee dalka iyo dantiisa daacad u ah.

W; Q: Asad Caddaani Ibraahim

Hadalsame Media