”Ma samayn kartaan mid kale!” – Dal jawaab deg deg ah loogu gooddiyey haddii uu sameeyo tijaabo nukliyeer ah

0

(Hadalsame) 07 Juun 2022 – Millateriga Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka ayaa 20 diyaaradood oo dagaal ah dul mariyey Badda Galbeed maanta oo Talaado ah, si ay u muujiyaan awooddooda iyadoo sarkaal sare oo Maraykan ihi uu ku gooddiyey jawaab adag haddii Kuuriyada Woqooyi ay sii waddo samaynta tijaabadeedii ugu horreeysey ee nukliyeer ah ku dhowaad ​​muddo 5 sano ah.

Taliyaha Abaanduulka Guud ee Ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in bandhigga ay hawada ka sameeyeen 16 diyaaradood oo Kuuriyada Koonfureed ah, oo ay ku jiraan noocyada casriga ah ee aanu raadaarku il saarin ee F-35A, iyo afar diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Maraykanku, ay ku muujinayaan awoodda ay u leeyihiin in ay si degdeg ah uga jawaabaan wax uu ku tibxay ”daandaansiga Kuuriyada Woqooyi.”

Dhanka kale, Wasiir Xigeenka Dibedda Maraykanka, Wendy Sherman, oo u socdaalaysa Seoul si ay ismariwaaga ugala hadasho xulafada Kuuriyada Koonfureed iyo Japan, ayaa waxay ka digtey jawaab “degdeg ah oo xoog leh” haddii dalka Woqooyiga Kuuriya uu sameeyo tijaabo kale oo nukliyeer ah.

“Tijaabo kasta oo nukliyeer ah waxay si buuxda u jebinaysaa qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, waxaana jiri doona jawaab degdeg ah oo xoog leh haddii ay dhacdo tijaabadan oo kale,” ayay tiri Sherman, kaddib kulan ay la yeelatay Wasiir Xigeenka Arrimaha Dibedda ee Kuuriyada Koonfureed Cho Hyun-dong.

“Waxaan sii wadeynaa in aan ku boorrino Pyongyang in ay joojiso xasillooni-darrada iyo dhaqdhaqaaqyadeeda xaalad-kicinta ah oo ay doorato waddada diblamaasiyadda.” ayay ku baaqday.

Hadalsame Media

Facebook Comments