DHACDO CASHAR AH: Sida ay Muslimiintu u kibir jebiyeen boqorkii Spain ee Alfonso VI (Hadal uu yiri)

0

(Hadalsame) 07 Juun 2022 – Alfonso VI oo ahaa boqorkii Castile ee Spain ayaa dhex istaagay ciidankiisa oo 80,000 oo askari kor u dhaafayey, kibir iyo isla-wayni darteed ayuu yiri:

“Haddaan doomo igu filan heli lahaa badda intaan ka tallaabo ayaan muslimiinta dhulkooda ku weerari lahaa! Waxaan haystaa ciidan jinni iyo malaa’igtaba ka xoog badan!”

Warkii wuxuu gaaray hoggaamiyihii Muslimka ahaa ee Yuusuf Bin Tashfiin oo markaa joogay dalka Marooko, wuxuu aad uga xumaaday hadalka ka soo yeeray ninkaas gaalka ah wuxuuna ugu jawaabay fariintan:

Warqaddani waxay Ka socotaa amiirka mu’miniinta Yuusuf Bin Tashfiin waxayna ku socotaa Alfonso VI, waxaa na soo gaartay inaad dhulkeena ku soo duuli laheyd haddaad doomo kugu filan heli laheyd, ha is dhibin annaga ayaa kuu soo socona.

waxaan kuu bandhigayaa inaad islaamto, ama aad jisyo bixiso intaa haddii lagaa waayo seefteena ayaad dhadhamin doontaa.. saddex beri ayaan fursad ku siinayaa doorashadana adigaa leh.

Saddex beri kaddib Yuusuf Bin Tashfiin ayaa ka soo tallaabay badda u dhaxeysa Marooko iyo Spain isagoo wata ciidan gaaraya 25 kun oo askari.. waxaa meeshii ka dhacay dagaalkii caanka ahaa ee Zulaaqa la magac baxay.

Muslimiinta iyo hoggaamiyehoodii Yuusuf Bin Tashfin ayey guushu raacday… ciidankii gaalada ee 80-ka kun ee askari ahaana meesha ayaa lagu laayey waxaana ka baxsaday oo keliya 500 oo askari.

W; D: Mustaf Cawil Xasan

Hadalsame Media