Ciidamada Maraykanka ee Suuriya & Ciraaq jooga oo dhexdooda kala shakisan (Baaris socota & natiijo yaab leh)

0

(Hadalsame) 07 Juun 2022 – Laba hay’adood oo sharci fulinta millateriga ah ayaa baaraya xubin ka tirsan ciidamada xoogga arrin bishii Abriil ka dhacday Saldhigga Maraykanka ee bariga Suuriya, Pentagon-ka ayaa qirtay.

Waxaa hadda la rumeysan yahay in qaraxyo markii hore loo maleeyay in ay ahaayeen madaafiic, uu fuliyey qof ku sugnaa isla gudaha Saldhigga Green Village. Afar askari ayaana ku dhaawacantay.

Qaybta Dembi-baarista Ciidanka (CID) iyo Xafiiska Ciidanka Cirka ee Baaritaannada Gaarka ah (OSI) ayaa haatan wada “samaynaya baaritaan wadajir ah oo ku saabsan dhacdadan.

Tuhmane suurtagal ah, oo ah xubin ka tirsan Ciidanka Maraykanka, ayaa la aqoonsaday,” sida uu qiray Afhayeenka CID-da, Patrick Barnes oo hadal soo saaray isagoo leh. “Waqtigan xaadirka ah ma sii dayn doono macluumaad dheeri ah.”

La tuhunsanaha ayaa haatan dib ugu noqday Maraykanka, balse weli magaciisa/ceeda si rasmi ah looma shaacinin, sida ay sheegtay  Wakaaladda Wararka AP. Wax dacwo ah oo rasmi ah lama soo gudbin weli.

Marakanka ayaa saldhigyada Maraykanka ee Suuriya iyo Ciraaq marka madaafiic lagu duqeeyo ku eedayn jirey malliishiyaadka Shiicada ee ay Iiraan taageerto, balse waxay haatan ogaadeen in qaraxyo kas loo dhigay makhsinka hubka lagu kaydiyo iyo musqulaha qubayska, sida ay sheegeen kooxda baarista isku dhafka ah ee CJTF-OIR oo tixraacayey dhacdadii Abriil 7-dii ee Saldhigga Green Village oo madaafiic lagu harqiyey.

Hadalsame Media