XOG: Madaxda ilaa haatan aqbashay inay imanayso caleemo-saarka MW Xasan Sheekh

0

(Muqdisho) 06 Juun 2022 – Waxaa loo toog hayaa in Muqdisho lagu qaban doono munaasabad ballaaran oo caleemo-saar ah, waloow ay jiraan baaqyo ku aaddan in melaygan la baajiyo si malaayiinta ku baxaysa loogu maareeyo abaaraha ba’an ee soo laalaabtay ee dalka ka jira.

Yeelkeede, waxaan helnay xog ku saabsan madaxda kasoo qaybgeli karta munaasabaddan, gaar ahaan madaxda Gobolka Bariga Afrika iyo ragga ilaa haatan tigta saaray inay kasoo qaybgelayaan.

Xogta aannu hayno ayaa sheegaysa inay imanayaan MW Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, RW Itoobiya, Abiy Ahmed, MW Kenya, Ahuru Kenyatta, waxaa sidoo kale la hadal hayaa MW Uganda Yuweri Museveni, waloow uu wiilkiisa ama wefdi kale soo diri karo.

Waxaa sidoo kale iman kara, balse aan weli la xaqiijin karin MW Rwanda ee Paul Kagame, nidaamka KMG ah ee Suudaan, wufuud kale oo ka kala socota Bariga Afrika iyo dunida kasii fog oo ay qaar metelayaan ururro sida EU.

Hadalsame Media