XOG-DUSIN: Sirdoonka reer Galbeedka oo ka war helay guuldarro kusoo socota dalka Ukraine

0

(Hadalsame) 06 Juun 2022 – Ciidamada Ruushka ayaa laga yaabaa inay si dhakhso ah inta ka hartay gobolka Donbass ee bariga ugala wareegaan Ciidamada Ukraine, Hay’adda Sirdoonka Dibedda ee Jarmalka, BND, ayaa sidaa ka digtey, sida lagu sheegay warbixin ay soo daabacday majaladda Der Spiegel.

Wargayskan fadhigiisu yahay caasimadda Berlin ayaa soo xigtey warbixinnada Hay’adda BND ee dhowaan la soo bandhigay, taasoo sheegaysa in “hay’addu ka cabsi qabto in iska caabbinta Ukraine xitaa la jebiyo afarta ilaa shanta toddobaad ee soo socda.”

“Falanqeeyayaasha BND waxay xuseen in iyada oo Ruushku ay si ka gaabis badan bilowgii dagaalka ay u socdaan, waxay misna awoodaan inay qabsadaan qaybo yaryar oo dhul ah maalin kasta,” ayuu qoray Der Spiegel.

“BND waxay qiyaasaysaa inay dhici karto in ciidamada Putin ay gobolka Donbas oo dhan wada qabsan karaan bisha Agoosto.” Ayay tiri warbixintu.

Hadalsame Media